Madaxweyne farmaajo oo maanta furaya Shirka u dhaxeeya madaxda Qaranka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay madaxda Golaha Amniga Qaranka kaasi oo ka dhacay madaxtooyadda soomaliya.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaaa madaxda maamul gobaleedyada oo muqdisho usoo gaaray ka qeyb galka shirka amniga qaranka oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kulankaas ayaa waxaa ku suganaay reysal wasaaraha soomaliya iyo gudoonada labada aqal ee baarlamaanka soomaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo Dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka, kulan ayaa gogol xaar u ahaa shirka maanta furmaya ee ey yeelanayaan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo Madaxda Qaranka.

Shirkaan Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadli doonaa qor
Dodobo dhowr ah oo diirada lagu saari doono, Shirkaan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana ka qeyb gali doona Madaxda dowlad goboleedyadda iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.