Miino kula qaraxday Qofkii aasay Beladweyne.

Wararka aan ka heleyno maagalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe  miino kula qaraxday qofkii aasayay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi Beladweyne.

Saraakiisha amaanka ee Gobalka Hiiraan ayaa halkaasi gaaray iyagoona u soo bandhigay warbaahinta miinadii la qaraxday ninka aasayay, miinada ayaa geysan wax qasaara ah.

Ninka miinada la qaraxday ayaa lagu sheegay inuu ku aasayay xaafad ku taala meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalda Baledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Sidoo goobta qaraxu uu ka dhaca ayaa weaxaa gaaray maamulka Gobalka Hiiraan halkaasi oo markii dambe kula hadlay wariyeyasha.

Dhankale Magaalada beladweyne ayaa xalay waxaa lagu dilay Gudoomiyihii hore ee dagmada Buulaburde Cabdi Iidow Warsame, oo kooxo hubeysan xalay ay ku toogteen Xaafada Xaawo-taako ee Beledweyne asaga oo ka soo baxayay Masaajid ku yaala Xaafadaas.

Maalmihii danbe ayaa wuxuu ka mid ahaa ama lasocday Culumada Tabliiqa Gudoomihii hore ee degmada Buulaburde Cabdi Iidow Warsame.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.