Sawiro”Wasiir Xoosh oo bulshada reer Jowhar kala hadlaya dhameystirka Dastuurka Dalka

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gudiyadii  laba aqal Barlamaanka ee La-sacodka iyo dib u eegista dastuurka, Gudigga Madaxbanaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatshi ah la yeeshay maanta qaar ka mid ah siyaasiyiinta Hirshabeele iyo Ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeele.

Xubnahaan ayaa shalay gaaray Magaalada Jowhar, saaki ayey lakulmeen ururada bulshada rayidka ah, waxaana sidoo kale hadda ay la kulmayaan Golaha Wasiirada ee maamulka Hirshabeele.

Kulamadaan oo ujeeddadoodu yahay in bulshada reer Jowhar ay talooyinkooda ka dhiibtaan geedi socodka dib u eegista Dastuurka ayaa wali ka soconaya Magaaadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.