Dhageyso:Odayaasha Dhaqanka G, Hiraan oo Diday Inay La Kulmaan Wasiirka Arimaha Gudaha oo Ku Sugan Baladweyne

Iyadoo Maalintii Labaad uu ku sugan yahay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”ayaa Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan waxaa ay diideen in ay la kulmaan Wasiirka oo ay hor fariistaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Magaalada Baledweyne u tagay sidii uu Odayaasha Gobolka uga dhaadhicin lahaa ka qeyb galka Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Qaar kamid ah Waxgaradka  Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan la fariisan doonin Wasiirka Arrimaha Gudaha,waxaana ay ku Eedeeyen inuu qeyb ka yahay  Dadka doonaya inuu Fashilmo Shirka Maamul u sameynta.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa dadaal ugu jira sidii Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Waxgaradka Gobolka ay u kulmi lahaayeen si Odayaasha looga dhaadhiciyo ka qeyb galka Shirka Magaalada Jowhar ay Gogoshiisu taallo.

Halkan Ka Dhageyso :

mid ka mid ah ergada

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.