Faahfaahin dagaal saakay ka dhacay Muqdisho

deg
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saakay aroortii degaanka Haanta dheer ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga ee ku sugnaa Xaafadda Haanta dheer ee degmada Hodan ayaa sheegay in ciidamada Xasilinta ay saakay aroortii Weerar kusoo qaadeen.

Dagaalka ayaa socday Muddo ku dhow saacad , waxaana qaar ka mid ah dadka kunool degmooyinka Dayniile iyo Hodan ay kusoo baraarugeen dhawaqa Rasaasta.

Ugu yaraan Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaasi, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo.

Xaafadda Haanta dheer ayaa fariisin u ah ciidamo ka tirsan Guutadda Saddexaad ee ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Ciidamadii weerarka lagu qaaday ayaa hadda gacanta ku haaya degaanka Haanta dheer ee degmada Hodan.

Ma jiro wax ah war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.