Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar

Waxaa lagu wadaa Maanta oo Sabti ah in Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle ay ka dhacdo Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Maamulka HIrshabelle.

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle waxaa u Taagan 8 Musharax oo dhamaantood ka soo jeeda Gobolka Hiiraan,kuwaas oo Maanta ku Baratamaya Doorashada,waxaana Siddeeda Musharax mid ka mida uu noqon doonaa Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Doorashada Maanta waxaa ka qeyb geli doona Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka,qaar ka mida Madaxda Maamul Gobolleedyada,Madax ka socota Beesha Caalamka oo Goobjoog ka naqon doonta Doorashada iyo Marti kale oo Doorashada lagu Casuumay.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa Saakay aad loo adkeeyay ,waxaana yar in aad Aragto Gaadiidka Dadweynaha,iyadoo Dad aan Tiro badneyn lagu Arkayo Xaafadaha ay ka Kooban tahay Magaalada Jowhar,waxaana Jid kasta taagan Ciidamada Ammaanka oo ka hortagaya in Magaalada ay Falal amaan daro ka dhacaan,Maadaama Magaaladu ay Maanta Marti gelisay Wafuud kala duwan oo ka qeyb galaya Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.