Dhageyso:Gudomiyaha Gobalka Banadir, “Waddo La Xiri Karo Ma jirto”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in aan la xiri karin Wadooyinka iyo Meelaha kale ee Muhiimka ah islamarkaana ku yaalla Maamulka Gobolka Banaadir.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu Mas’uul ka yahay Gobolka Banaadir islamarkaana uusan ogolaan doonin in si micno daro ah la iskaga xirto Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu Amrayaa in Dadka Xirta Wadooyinka iyadoo uusan ka warqabin  Maamulka Gobolka Banaadir Talaabo laga qaadi doono,waayo Amniga Gobolka Banaadir waxaa Mas’uul ka ah Maamulka Gobolka Banaadir”ayuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Dhawaan ayey aheyd markii Amniga  Magaalada Muqdisho lagu Wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Halkana Ka dhgeyso:

COD AXMED

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.