Dhageyso:Madaxweyne Xasan Ciidamada Xaquuqdoda Waa Ay Helayaan.

Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay Mushaaraadkooda sitoos ah u helaan oo uu san jirin Askari ka tirsan Ciidanka Soomaaliya kaas oo aan helin Mushaarkiisa.

Waxaa uu sheegay Xasan Sh Maxamuud in ay soo daahaan lacagaha Ciidanka lasiiyo xiliyada qaarna uu sidaas dib u dhac ugu yimaado ,balse aysan gabi ahaanba waxba ka jirin in Ciidanka aysan helin Xuquuqda ay leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya intaas waxaa uu ku daray in Saaxiibo badan oo Soomaaliya taakuleyn jiray ay badaleen Fekerkooda Dowladuna aysan laheyn meelo badan oo dhaqaalo kasoo galo taasna ay dhibaato kale ku tahay.

Horey ayaa waxaa u dhaacay in ay jireen in Ciidanka Soomaaliya aysan sitaas ah u helin Mushaaraadkooda taas oo dhabar jab ku ah howlaha Shaqo ee Dowlada Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso:

COD SHEEKHAALOW

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.