Daawo:Madaxweynaha Puntland Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Al shabaab Iyo Al qaacida

gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09 June 2017 shir Jaraa’iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab, kaas oo lagaga safaynayo Dhammaan Degaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii, iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii shalay ay ciidamada Puntland la galeen argagixisada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur ee gobolka Hayland , waxaana uu madaxweynuhu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.