Dhageyso:Sh Baaruud Ilaahay baa naga Bad baadiyey qarax Naloo dhigay

Gawaari ay wateen Xubno ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee Soomaaliya,saraakiil ka socotay Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Agaasimayaal ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa lagu qarxiyay degaanka Sarkuus ee duleedka Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah Guddiga Qaran ee Abaaraha ayaa sheegay in Weerarkaas uu jiro islamarkaana usuan ka dhalan wax khasaare ah, Waxaa uu sheegay in ay u sii socdeen Barakacaayasha Duleedka Muqdisho haddana ay dib u soo laabteen waxaa uu xusay in safarkii ay baajiyeen oo hadda lagu howllanyahay in Gaarigii la soo jiido.

Majiro Qof wax ku noqday weerarkaas sida uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud oo Wafddiga ka mid ahaa,waxaana uu xusay in kaliya Gaariga uu bur bur soo gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.