Dhageyso:70-Qof oo laga soo tarxiiley USA oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Boqolaal Ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo laga keenay Dalka Mareykanka, Diyaaradan siday dhalinyarada Soomaaliyeed oo tiro badan kuwaasi oo maray Dalka Kenya, kadibna u soo gudubtay Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay dadka la soo celiyay inay gaarayaan ilaa iyo 70-Qof kuwaasi oo mudo dheer ku xirnaa wadanka Maraykanka ugu danbayntiina si iskood ah u dalbaday inay ku soo laabtaan wadanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.