Xassan SHiikh Maxamuud oo muuqaal horay noo soo maray rumeyey.

jim


Kal hore shir ka dhacay Xarunta Xalane ee Soomaaliya looga taliyo,ayaa waxaa indhaha shacabka Soomaaliyeed dhammaan wada qabteen Calanka Soomaaliya oo saddex gees leh oo shanta gees ee astaanta u ah midnimada umadda Soomaaliyeed laba ka maqan tahay oo kaaga sii darane ay hoos fadhiyaan Madaxweyne Xassan Shiikh iyo reysulwasaare Cumar Cabdirashiid oo ay ka muuqatay in ay raali ka yihiin siddii wax ahaayeen.

calan

Haddii aan idin xasuusiyo mar danbe oo shirkii furitaankiisa la gaaray mas,uuliin xildhibaano u badnaa oo qolkii shirarka soo galay oo foolxumada madaxdu hoos fadhido ka naxay baa arintaas ka dhiiyey muran iyo sawaxan ka dibna waxay dhalisay ayaga oo caraysn in ay gacmooda ula tagaan astaantii foosha xumayd oo calan kayaga lagu bahdilay meesha ka fujiyaan,arintaas oo in mudaa wax layska waydiinaayey, waxa madaxda dalku u hoos fariisteen dhaawaca iyo foolxumada intaas leg ee loo geystay qaranka Soomaaliyeed ee ay masuulka ka yihiin.

(Lur hore baa laqanyo kicisa)Waxaa gocosho igu kiciyey oo caradii aan arintaas ka qaday igu soo nooleeyey mar kale safarkii uu Xassan Shiikh ku tegay JIGJIGA oo qof kasta oo sharafta iyo xushmada qarankeenu damqayso ka xumaaday ilayn meel leg oo qaada karaamada qaranka Soomaliya Madaxweyne Soomaaliyeed geeyo JIGJIGA maahee.

Naxdin! Fajaciso! Iyo afkalaqaad!,waxaa noqotay in ONLF oo qowmiyada soomaalida ee ku hoos nool Itoobiya masasha uu aflagaadeeyo asaga oo madaxwynihii Soomaaliya ah wax aan qof Soomali ah isu quurin afkiisana soo mari Karin ku caayey kuna sheegay(wax( Uskak,injir iyo raamo leh) Soomaaliyeey aan isweydiinee maxaa Xassan Shiikh Maxamuud Waa madaxweynaha Soomaaliyee ku kalifay arintaas?Jawaabta waxaan u daynayaa Soomaalida.

Kaba sii daran markii arintaas wax laga weydiiyey wuxuu ku Jawaabay Jigjiga iyo DDSI waa muqadis waana lama tabtaan cid ka hadli kartaana majirto,horaybaan uga soconaynaa,arintaas oo markhaati iyo caddayn u noqotay muuqaalkii calanka Soomaaliya oo shngeeska ahaa oo Saddex loo bedelay ,micneheeduna ahaa in ayan Soomaali ahayn labada laga tiray oo aan wada garan karno
Ugu danbayntii waxaa ladin ku masquuliyey Federaal, Xuduudo,xildhibaano reer hebel,xuquuda Xamar iyo xaqayagii baan rabnaa,(Maxay Lulataa Maba leeftee)war waxaas oo dhan waa xisaab hoose oo ha Haddii qaran shaqaynaaya iyo madax wanaagsan aad heshaan sharuud l,iaan ku imaana ee Jiritaankiina iyo sharaftiina nimanku mugdiga galiyeen oo haaddaanta la galeen miyeydnaan arkayn?W/Q.Cabdullahi Jimcaale Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.