Farmaajo oo ka Tacsiyeeyey Geeridii ku Timid Cali Cosoble

farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Waxaan ehelka, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, uga tacsiyaynayaa geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, Madaxweynihii Hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Marxuumku waxa uu ahaa siyaasi dowr muuqda ka soo qaatay dowladnimada dalka, isaga oo ka mid noqday goleyaasha Sharci Dejinta iyo Fulinta ee Heer Federaal iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Waxaan Marxuumka Allaah uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.