Barlamaanka Soomaaliya ee Waqtigiisu sii dhamaanayo ayaa ansixiyey Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

barlaman

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday 144 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin xildhibaan ka aamusay.

Hindisahan ayaa muhiim u ah sugidda amniga xogta iyo kaabeyaasha isgaarsiinta dalka, Sidoo kale wuxuu diiradda saaraya ka hortagga weerarrada dhanka saybarka ah, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo sare u qaadista kalsoonida nidaamyada dijitaalka ah ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.