Dagaalka Trump ee Ku Wajahan Soomaalida iyo Aqoonsiga Yahuuda Maxaa Ka Dhaxeeya!!!

Trump

La yaab ma leh in aan dhahno xiriir bay leeyihiin oo weliba aan ugarano in dagaal mudo dheer ku socday lagaaray ujeedadii laga lahaa loogana dan lahaa in Soomaalida oo fadhida meesha adduunka u istaraajisan uguna dhaqaalo badan, qabyaalad dhexdooda ahna ku mashquulsan mar kasta la mariyo halka la mariyey Falastiin meel ka sii liidata waayo waatan Soomaalidu dahdo (LAX WALBA HALKA AY IS DHIGTO BAA LAGU QALAA).

Ogaada dagaalka Ku socda jinsiyada Soomaaliga ah waa shanti Soomaaliyeed ee la qorsheeyey 1884tii, ha dhayalsan arintaan ee indhaha u fur arimaha house.


1-DDS Maxaa ka socda? dagaal baa laga dhex abuuray qabaa’ilada Oromaduna taako taako bay ugu durkaysaa.


2-Jabuuti Jabhad Cafar ah baa lagu hubeeyey ayyaga iyo Isaaqna dagaal baa laga dhex aloosay.


3-Beelaha Isaaq, Ciise iyo Samaroon xaalkooda iskaga sheekayn mayno.


4-Galmudug iyo Hirshabeele meel fiyoow ma sheegi kartaan?.


5-Koofur Galbeed iyo Jubalaandhi dalal Cadaw ah bay gacanta ugu jiraan, waxayna Marayaan heer nolasha laysku gubo guryahana dab la suro.


6-Cayda iyo hanjabaada Tarump iyo aqoosiga Israa’iil Soomaalilaandhi waa isla xariiraan Waana is og yihiin, shakina yuu idinka galin aqoonsiga US.


Isku soo wada duub waxaan qabaa DFS ayaa looga faa’ideystay in halkaas nala gaarsiiyo, waxaana hawsha inta badan qabtay Imaaraadka.


Sidaas awgeed ma idin la tahay in kuwa la baxay Madasha badbaadinta ayna samatabixin karaan maadaama ay ku xiran yihiin Imaaraadka?.


Ma suuroowdaa in horjoogayaasha heer qaran iyo gobol aan gacmaha qabano oo is dhaafino?.


Aniga jawaabtaydu waa maya rajo aan ku badbaadnaana waa Ila yar tahay, haddii aanaan qabyaalada meel iska dhigin.


Soomaaliyeey maxay idin la tahay oo aan ku badbaadi karnaa? Ogaada yaanaan ukala harin waxay taagan tahay (YAA MAAli JIRAYEEY).


Wabilaahi Towfiiq
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.