Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda yahuuda, Gideon Sa’ar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu ugu horrayn Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil uga mahad naqay go’aankii Geesinimada lahaa ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid leh saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta ay Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin weyn, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Israa’iil uu xoojinayo doorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadayo wax-wada qabsiga ku dhisan danaha istiraatijiyadeed ee ay labada dal wadaagayaan.
Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar ayaa caddeeyey in Dawladdiisu ay ku faraxsan tahay Aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato xidhiidh dhow oo dhinacyo badan leh, kaas oo faa’iido iyo waxtarba u leh labada dal iyo labada shacab ee Israel iyo Somaliland.
Sida oo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Israa’iil, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay go’aan ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga iyo xasilloonida xilliga dheer ee Gobolka Geeska Afrika. Wasiirku waxa uu Dawladda Somaliland ku bogaadiyey dimuqraadiyaddeeda shaqaynaysa, nabadda ay ku dhistay amnigeeda gudaha, iyo doorka ay ka qaadato xasiloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.
q
Leave a Reply