Arday Ku Bananbaxday Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinayey xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed

Xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo tilmaamaya kaalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa xusay taariikhda muhiimka ah ee macallimiintu ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka, barbaarnta jiilal karti leh oo dhisa mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo faray Hiddaha iyo Tacliinta Sare in ay dhameystirto tirada ka dhiman 10,000 ee Macalin.

“Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed, Sidaas awgeed, waxaa waajib innagu ah in la maamuuso Macallinka, lana taageero, madaama yahay laf-dhabarta horumarka bulshada, waxaan farayaa Madaxda Wasaaradda in la dhameystiro tiradii tobanka kun ee macallin, taas oo ilaa hadda dowladdu ay shaqaaleysiisay lix kun, kuwaas oo si buuxda uga howlgala goobaha waxbarashada ee kala duwan, waxaan rajeynaya inta dhimaanna in si deg deg loo diyaariyo dugsiyadii ay ku shaqeyn la hayeen, lana siiyo tababar”

Arday dowladu ka barakicisay guryahoodii ayaa bananbax ka dhigay garoonka ciyaaraha Muqdisho oo Madaxwayne Xasan khudbad ka jeedinayey waxayna burburiyeen masawirada madaxwaynaha iyo kuwa kale.

dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.