Akhriso:Farmaajo oo Cambaareeyey Xariga Dowladu kula kacday Nabadoon Xalane

farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyey xarigga mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka loogu geystay Muqdisho.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynihii hore ee dalka ayaa yiri”Xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane waxa uu muujinayaa sida dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay u sii xulayso jid ka fog sharciga, awoodda dowladdana ay uga dhigtay mid lagu caburiyo haldoorka bulshada ee ka dhiidhinaya barakicinta dadka danyarta ah.

Annagoo garowsan in xariggan sharci darrada ah uu muujinayo sida dowladdan ay uga soo horjeeddo isla-xisaabtanka, cadaaladda iyo dowlad-wanaagga, waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah xabsiga looga siidaayo Nabaddoonka, loona fasaxo safarkiisa laga xannibay.

Waxaan bogaadinaynaa dhammaan haldoorka u istaagay danta guud, u doodista xuquuqda dadkeenna la barakicinayo iyo dowlad wanaagga, taas oo aasaas u ah in la helo dowlad aamin ah oo daryeesha shacabkeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.