Qofkii Alle garasha siiyey aad buu u garanayaa waxa ay ku sifaysan yihiin madaxda maanta Alle gacanta u galiyey shacbiga iyo dalka Soomaaliyeed oo marka aan dhinacya badan ka eego aan isleeyahay waa ciqaab rabaaniya oo ka timid xag Alle.
Ka soo bilaaba Waqooyi Galbeed ee hadda la baxay Soomaalilaandhi ilaa Jubalaandhi nin walba xero ayuu dhigtay uu asagu xuduud u samaystay wuxuuna wataa dawlada calan gaar leh, bal u fiirso astaanta lagu yaqaan dawlad xor ah waa in ay leedahay calan iyo xuddud loo aqoonsan yahay oo ay ka taliso, mid kasta oo ka mid ah madaxweyne ku sheegyadu waxay u dhaqmaan sidii uu yahay dawlad gaara asaga oo leh saaxiibo dawlada shisheeye oo siyaasadiisa iyo maamulkiisa jaangooya oo wax sandareerto ah siiya kuna gacan siiya in uu u dhaqmo sidii dawlad madaxbanaan.
Maxaan ku tilmaami karnaa siyaasiyiinta noocaas ah:-
1-Ma dhihi karnaa burcad siyaaaadeed(Political gangs?
2-Ma u muuqdaan siyaasiyiin jaajuusiin dawlada shisheeye?
3-Ma dhihi karnaa tuugo siyaasadeed(pulitical looters)?
Isku soo wada duub saddexda qaybood oo siyaasiyiin ku sheega baa Soomaaliya iyo shacbigeedu gacanta ugu jiraan,bal eega qolo waxay siyaasada ugu jiraan dhac iyo boob si ay maal badan u helaan oo weliba ku darsaday akhlaaqxumo.
Qolo kale waxay ugu jiraan siyaasada in ay xukunka xoog ku haystaan hantina ka sameeyaan.
Kuwo kale waa jaajuusiin dawlada shisheeye oo wixii ay qabanayaan loo yeeriyo.
Waxaa intaas ka sii daran dadweynihii dalka lahaa oo maskaxdhaqid (brain washed) lagu sameeyey oo dareen ay dhibaatada ku gartaan ayyan marna ku soo duxeyn sidaas awgeed dadweynoow dalka iyo dantiina ilaashada oo hurdada ka kaca qabiilna yey idinku beerdulucsan kuwa aan kor ku soo tilmaamay.
Wabilaahi Towfiiq.
Cabdullaahi Jimcaale Faarah,
Leave a Reply