Masuuliyiin Kala Duwan oo Farmaajo Kusoo Dhaweeyey Muqdisho

Farmaajo

Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib sedex sano oo uu dalka kamaqnaa markii looga adkaaday doorashadii 2022.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho waxa uu sii xoojinayaa dadaallada heer Qaran ee ku aadan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed, qabsoomidda doorasho loo dhan yahay iyo adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdhllaahi Farmaajo waxa uu kulammo wadatashi oo ku saabsan xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed la qaadan doonaa hormuudka siyaasadda, masuuliyiin iyo haldoorka bulshada sida war saxaafadeedka lagu doo afmeeray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.