Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si adag u canbaareyneysaa dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday deegaanka Dadumaay, oo ku yaalla duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, Falkan oo ahaa mid argagax leh oo liddi ku ah qiyamka bani’aadantinimo, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Dowladda Koonfur Galbeed waxay Cadayneysaa in aysan marnaba aqbalayn in falal noocaan oo kale ah laguna carqaladeeynaayo amniga iyo xasilloonida shacabka, iyadoo tilmaamtay in kooxaha falkaasi ka dambeeyay ay yihiin cadawga nabadda iyo horumarka bulshada.
Dowladda Koonfur Galbeed waxaa si dhab ah uga go’an in ay baaritaan buuxa ku sameyso dhacdadan xanuunka leh, ayna cadaaladda horkeenidoonto cid kasta oo ku lug yeelatay falkaas. Waxayna Dowladda wacad kumaraysaa inaysan jiri doonto cid ka baxsan doonta sharciga.
Sidoo kale, Dowladda Koonfur Galbeed waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehellada iyo qoysaska Marxuumkii ku geeriyooday falkaasi, waxayna Alle uga baryeysaa inuu u naxariisto.
Dowladdu waxay ugu baaqeysaa shacabka in ay ka feejignaadaan kooxaha doonaya in ay dhibaato iyo cabsi gelin ku fidiyaan bulshada dhexdeeda, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falal noocan oo kale ah.
DHAMMAAD
Leave a Reply