Maxaa kasoo Baxay Shirkii Carte???

Ismaaciil

Sida aan la wada soconay dhawrkii maalmood ee aan soo dhaafnay waxaa Magaalada Carta ee Jabuuti ka socday shir lagu macsuumay madaxda DFS oo uu ugu horeeyo Madaxweyme Xassan Shiikh, siyaasiyiin iyo madax horey xiilal usoo qabtay, waxaan ayyadana meesha ka maqnayn odaydhaqameedyo Soomaaliyeed shirkaas oo loogu magacdaray xuska iyo dabaaldega aasaaskii Jamhuuriyadii 3aad ee Soomaaliya oo loola jeedo 25 sano ka hor shirkii Ismaaciil Cumar Geelle Carta ugu qabtay Soomaalidii dagaalka sokeeye loo abaabuley 1991kii.

Haddaba haddii aan dib u milicsano shirkaas wixii soomaalidu ka dhaxashay waa nidaamka kaankarada noqday ee 4.5 oo anigu shaqsi ahaan aan u aqaano gawracii Soomaalinimada, ku darsada oo waa in ay Soomaalidu ogaataa in meydkii Soomaalinimadii Carta lagu gawracay lagu aasay Imbegaati Kenya, taas oo ahayd in loo soo xambaariyey nidaam lagu magacaabay Federaal qabiileysan oo aan weligeed adduunyada ka dhicin.

Isku soo wada duub maxaa ka soo baxay shirkii Carta ee loogu magac daray xuskii Jamhuuriyadii Saddexaad ee Soomaaliya.(BAROORTU ORGIGA KA WEYN) ama ( KOR WAYEEL WAA WADA INDHO).

Waxaa la gaaray xeerada salkeedii ee ahayd in doorasho qof iyo cod loogu magacdaray oo boob ah laga qabto Soomaaliya Xassan Shiikhna mar kale kursiga sii joogo,taas oo hadda u muuqata mid fashilantay.

Waxaa Carta laga doonaayey in lagu sameeyo qorshe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga hor istagaayo in uu tartamo mar kale, markii la arkay dadka Soomaaliyeed in uu shacbiyad aan Caadi ahaan ku dhexleeyahay taas oo ah qorshaha Cismaaciil iyo Xassan isla sameeyeen oo ah warqada lagu horistaagaayo Mr Farmaajo in uu dalka yimaado oo lagu soo dhaweeyo.

Bal eega warqadu waxay ku taariikhaysan tahay 13/10/2025 waxaana la soo bandhigay maanta oo ah 1/11/2025 maangal ma tahay in warqada taariikhdaas leh wada ku soo jirto waa Marin habaabin dadka lagu khaldaayo lagana dhigay in warqadu soo baxday shirka Carta ka hor maxay kula tahay?.

Wabilaahi towfiiq Cabdullaahi Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.