Sawiro:Wasiirka Haweenka oo Isla Sawirray James Swan iyo Wasiirada oo Ku Mashquulsan Sawirada Safiirada

james

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xxarunta wasaaradda kusoo dhoweysay Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha guud ee QM Amb James Swan.

Wasiirka iyo Wakiilka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan howlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ay dalka ka wado iyo hiigsiga Wasaaradda, waxaana labada dhinac ay si gaar ah u falanqeeyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Hay’adaha QM.

Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha guud ee QM Amb James Swan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey wasiirka iyo madaxda kale ee Wasaaradda Qoyska soo dhoweyntooda iyo dadaallada ay wadaan oo ay ugu horeeyaan ku dhiirigelinta haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda, difaacidda iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya waxaana uu ballan qaaday in hay’adaha QM ay guud ahaan si buuxda ula shaqeyn doonaan Wasaaradda.

Wasiirada Soomaaliya ayaa markii waxay qabteen waayeen waxay si shaqo ka dhigteen inay Safiirada Soomaaliya caalimka u jooga inay isla sawiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.