Muqtaar Roobow oo Lacagta Xajka Lagu aado Aaymo dhimis ku Sameeyey

muqtaar

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in hoos loo dhigay lacagihii ay bixin jireen Xujeyda Soomaaliyeed Sanad walba.

Sheekh Muqtaar ayaa xusay muddadii uu xilka Wasaaradda hayay in ay aad ugu ilaaliyeen Xujeyda Soomaaliyeed inuu kordho qiimaha xajka, wuxuuna xusay in arrintaasina ay ku kor joogteeyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo la socday hadba halka ay wax marsiinayaan.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa diginin ka bixiyay dadka u adeegi jiray Xujeyda, dadka aan sida sharciga ah ku tagin iyo kuwa faraha laga haya, taas oo ay dowladda Sacuudiga go’aanno saartay, wuxuuna sidoo kale faray Xujeyda in ay u hoggaansamaan shuruucda ka yaalla Xajka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.