Qaar Kamida Mafaxwaynayaadha Maamul Goboleedyada Oo muqdisho Soo gaaray

qoorqoorlaftagareen

Qaar ka Mida Madaxwaynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdiso Lagu Soo dhaweeyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane  xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa garoonka diyaaaradaha Caalamiga ah Aden Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka ayaa u soo gaaray caasimadda dalka ka qeyb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo dhawaan laguwda in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka furo Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.