Muuse Biixi oo Xilka ka Qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada

muse

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida, kuna magacaabay Gudoomiye cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.


Ku: Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan; Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida
Og: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Ujeeddo: Magacaabid.


Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;


Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;


Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.