Daawo:Xasan Sheekh oo Kormeeray Xeryaha Ciidamada Turksom, Dhagabadan iyo Jeneraal Daa’uud

Xasansheelh

Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay xerada Jeneraal Daa’uud ee taliska guutada 18-aad ee kumaandoosta xoogga dalka ee Gorgor.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran iyo dhiirri-galin ayaa ku adkeeyey rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka miro-dhalka ah ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada, waxa uuna tilmaamay filashada ay qabaan dadka ku nool deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu oo u hamuum qaba in laga dulqaado cadowga dhiig miiratada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.