Ruto iyo Abiy Axmed oo Xasan Sheekh Dhiiqo Lugaha U Gashay

Abiy axmed

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shalay Safar ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo kulan kula qaatay Madaxwaynaha Kenya william Ruto.


Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa Khamiistii sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Korir Singwe oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

“IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.

“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon,” ayuu yiri Singwe.

Wuxuu intaas ku daray in haddii xalka Nairobi la aqbalo, ay Itoobiya siin doonto “helitaanka kheyraadka badda oo xasilloon oo la saadaalin karo” si ay ganacsigeeda u wadato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay darsayaan hindisahaasi, isla markaana madaxdooda laga codsaday inay ka wadahadlaan kulanka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla.

Sing’oei waxa uu sheegay in waqtigu uu muhiimad gaar ah u lahaa, maadaama Al-ShabaaB ay u adeegsan jireen khilaafkaN inay dowladda Soomaaliya ku tilmaamaan mid aan awood u lahayn ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya.

Madaxwaynaha Kenya ayaa bishii nasoo dhaaftay magaalada Nairobi kula kulmay Ra’iisalwasaraha iToobiya waxayna kawada hadleen xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Soomaaliya iyagoo iskuraacay in lagu qanciyo Madaxwaynaha Soomaaliya inuu oagalaado inay itoobiya isticmaasho bada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.