Abiy Axmed oo nin Soomaali ah ra’iisul wasaare ku xigeenka u Magacaabay

abiyahmed

Dalka Itoobiya ayaa waxaa Ra’iisalwasaare ka Noqday Nin Soomaali ah kadib markii Abiy Axmed badelay Ra’iisalwasaarihii hore ee Itoobiya.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax oo ah siyaasi ka soo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida u magacaabay xilka raysal wasaare kuxigeenka dowladda Itoobiya.

Warkan oo kasoo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegaya in magacaabista Aadan Faarax ee darajada Raysal Wasaare ku xigeen loogu cusboonaysiiyay masuuliyadiisii shaqo.

Haddaba waa kuma Aadan Faraax?

Aadan Faarax waa siyaasi Soomaali-Itoobiyaan ah, isla markaana siyaasadda dalkaasi in badan kusoo dhex jiray, isaga oo lasoo shaqeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo hoggaanka ugu sareeya dowlad deegaanka soo qabtay.

Waxa uu mar soo ahaa afhayeenka baarlamanka fedraalka ah ee Itoobiya isaga oo markaas beddelay Keria Ibraahim sanadkii 2020-kii, waxa uuna sidoo ahaa kuxigeenka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida intii u dhaxaysay 2018-kii ilaa 2020-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.