Akhriso:,Deni oo Magacaabay Gudi Kasoo tala bixiya Dhaqaale Xumida Puntland

deni

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa magacaabay Guddi ganacsigga iyo dhaqaalaha Puntland si ay soo qiimeeyaan xaalada dhaqaale xumo ee ka jirta Puntland arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Wasiirka Arimaha-gudaha, Cabdi Faarax Juxaa ku dhawaaqay in xaaladda dhaqaalaha Puntland ay meeshii ugu xumayd marayso

  1. Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye
  2. Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin
  3. Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin
  4. Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin
  5. Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
  6. Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin

Waajibaadka Guddiga:

  1. Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.
  2. Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.
  3. Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.