Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa kaga qeybgalay Munaasabad xilka uu kulawareegayay gudoomiyaha cusub ee gobalka Shabellada Dhexe

yuusufdabageed

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta xilka u kala wareejiyay guddoomiyihii hore ee gobalka Shabeellada Dhexe iyo guddoomiyaha cusub.

Munaasabad koobban oo ka dhacday xarunta maamulka gobalka Shabeellada Dhexe ayaa xilka guddoomiyaha waxaa kula wareegay Maxamuud Maxamed Nuur (Mas-dile) isagoo kala wareegay guddoomiyihii hore ee gobalkaasi Axmed Meyre Makaraan.

“Hoggaankii hore meel wanaagsan ayuu soo gaarsiiyay, midka cusub waxaan ka rajeyneynaa haddii uu Alle idmo wax cusub kusoo kordhiyo.”

Ugu dambeyn ku-simaha Madaxweynaha ayaa faray dhammaan xubnaha maamulka inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.