Daawo:Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Shirka nabadda Soomaaliya

Xamze

Ra’isul wasaaraha XFS mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray munaasabadda Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya”, waxaa uuna ka hadlay qiimaha ay nabaddu leedahay.

“Waxaan rajayanayaa in dhowaan ay soomaaliya noqoto meel loogu yimaado Nabad gelyada, Wadahadalka, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka”.

Mudane Xamse Barre, waxaa uu “Principles for Peace” uga mahad celiyay in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya. “Waxaad dhalateen Xilli caalamka ay cabsi badan ka jirto” ayuu yiri mudane Xamse oo sheegay in ka shaqeyntooda gudaha Soomaaliya ay soo kordhin doonto.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre waxaa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hormuud u tahay Arrimaha dib u heshiisiinta, ayna muhiim tahay is waafajinta howlaha nabadda ee socda.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan ka kala yimid, dhaqammo kala duwanna leh hadana yoolkoodu uu yahay in nabad iyo xasillooni lagu dabbaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.