Akhriso:Dagaal Qarar oo Dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyaadka Amxaarada

abiy

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa shalay weerar culus ku qaadday kooxda maleeshiyada Fano ee ku sugan waqooyi-galbeed gobolka Amhara, Dagaalkaas oo Sababay Dhimasho soo kala gaartay Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka Amxaarada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in tan iyo toddobaadkii hore, uu socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Fano kuna dhex marayay qeybo kala duwan oo gobolka ah. Waxay sheegeen in dagaal culus uu ka socday meelo badan sida Gojam, North Showa, South Wolo, Gondar, Marawi, South Mecha, Quarit, Sekala, Dega Damot, Antiochia Gemza, Showa Robit iyo Lalibela, isla markaana waddooyinka la xiray.

Kacdoonka kooxda Fano ee gobolka Amhara haatan waa mid ka mid ah khataraha amni ee ugu waaweyn ee saameynta ku leh Itoobiya.

Bishii November ee sanadkii tegay ayay ahayd markii uu dagaal ka qarxay magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, iyadoo ciidamada dowladda iyo kooxdan Fano ay isku dhaceen, sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Lalibela ayaa hoy u ah kaniisadaha Qarnigii 13aad eel aga diwaan geliyay hay’adda QM ee Unesco,

Maleeshiyaadka Fano oo ah maleeshiyo ku sugan deegaannada ku hareereysan gobolka Amhara, ayaa la dagaallameysay ciidamada Itoobiya tan iyo markii lagu amray inay hubka dhigaan, Gobolka Amhara ayaa ubuc dagaal u ahaa maleeshiyada Fano iyo militariga muddo bilooyin ah.

Dowladda raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa bandow lix bilood ah kusoo rogtay gobolka horraantii August iyadoo isku dayeysay in dagaalka la joojiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.