Shacabka Soomaalida oo Ku baaqay imaaradka inay ka baxaan Soomaaliya

Imaarad

Ragii Imaaradka Looga dilay Magaalada Muqdisho ayaa maykoodii la geeyey Magaalada Abudhabi ee dalka isu taga Imaaradka Carabta.

Maydadka la geeyey abu dhabi waxaa kamida Kornayl Maxamed Al-Mansouri oo ah ah ninka ugu sarreeya qorshaha Iimaaraadka ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya loo soo diray bilowgii muddo xileedka xilligan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Al Mansouri ayaa ka mid ahaa Sirdoonka ciidanka Militariga ee Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, uuna yahay nin awood u leh fulinta, qorshaynta iyo dhaqan galinta qorshayaasha Iimaaradka ee Soomaaliya kaasoo leh awood gaar ah.

“Wuxuu leeyahay awood dhaafsan Askari darajo leh, Darajadiisa sida ka muuqata Warranta Officer 1 kaas oo ah qof loo xilsaaray shaqo cayiman, darajadaas cida qabta waa saraakiisha gaarta darajada ciidan ee Gaashaanle dhexe ilaa gaashaanle sare, wuxuu leeyahay awood fulineed oo leh mid farsamo iyo mid xeelad labadaba”.

Maxamed Al Mansouri ayaa marar badan booqday xarunta ciidanka PMPF ee Puntland oo xaruntoodu ku taal magaalada Boosaso iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliya ayaa dhamaantood kasoo horjeestay joogitaanka Ciidamada Imaaradka Soomaaliya. Iyagoo sheegay inaysan ka qayb qaadanayn horimarinta Soomaaliya balse ka shaqeynayaan dhibaatada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.