Shirkadaha Korontada Caabudwaaq oo noqday Burcad

Muxiyadiin

Guddoomiyaha degmadda Caabudwaaq Muxiyadiin Aadan Wali oo ay weheliyaan xildhibaano katirsan baarlamaanka Galmudug, Xidhibaano gollaha deegaanka ah, Agaasimayaal iyo guddoomiyaha xaafadda Waaberi ayaa ka hadlay amniga, nadaafadda iyo awaamiir la farey shirkaddaha korontada.

Guddoomiye Muxiyadiin ayaa sheegay in amniga degmadda oo ah mid wanaagsan laga doonayo in bulshada ay sii adkaystaan nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha degmadda Caabudwaaq ayaa shirkaddaha korontada amar ku siiyay in baalle kasta oo magaalada dhexdeeda ah iyo waddooyinka ay laambad kuxiraan si ay uga qeyb qaadato amniga.

Shirkadaha Korontada Caabduwaaq ayaa ku midoobay sidii ay dadka jeebkooda u faran lahaayeen, waxayna ka baaqsadeen inay bilicda Magaalada ka qaybqaataan oo layrar kuxigeen baalayaasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.