Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga golaha Baarlamaanka

barlamaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi maanta u daah-furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS ayaa bogaadiyay shaqada Baarlamaanka ka qabteen kala fadhigii labaad kaasi oo ay ku ansixiyeen 11 sharci.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha codsaday inay sameeyaan gudiyada ku shaqada leh dib u eegista sharciga ee Baarlamaaniga ah, isagoo ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay in la helo sharci dhamaystiran oo aan qabyo ahayn laguna qoray lagu diyaarayay dalka oo ay ka shaqeeyeen khuburo Soomaali ah kana tarjumaya baahida ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada Qaranka oo dagaalka kula jira khawaarijta Al-shabaab.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in uu ciribtirayo Khawaarijta ” waxaa iga go’an oo balan ah in aan ciribtirno khawaarijta Al-shabaab,”

“kaalinta culimada Soomaaliyeed ee iftooday in Al-shabaab ay khawaarij yihiin la dagaalankooda waajib yahay dhan malatari iyo dhan fikirba, waxaan raadinay dadaal aan u galnay cid walba oo naga saacidi karta dagaalka xaqqa ah ee aan kula jirno khawaarijta arxanka daran iyo ka ciribtir guud ahaanba dalka” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.