Sawiro:๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต-๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—บ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ตa๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

wasiir

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700,  kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaradda  iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.