Madaxwayne Farmaajo oo Shacabka Puntland ugu hambalyeeyey Qabashada Golaha Deegaanka

Farmaajo

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo ayaa waxuu ka hadlay Doorashada Golayaasha Deegaanka ee ka dhacaysa Maamul Goboleedka Puntland 25 May 2023.

War qoraala oo Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya soo Dhigaay bartiisi facebook ayaa sidaan u qornayd.

Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim

Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda.

Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Alle waxaan uga baryayaa guud ahaan dadkeenna Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan.

Wa Billaahi Al-Towfiiq

1 Comment

  1. Farmajo wuu dadaalay.laakiin somalidu
    Mabisla midakale somali waa halqabiil
    Oo layiraahdo somali
    Sida oromo utahay qabiil
    Puntland waa run ah.in aay
    Yihiin dad somali Ah oo jacal
    Somalia inkasta oo madaxada
    Uu kamidyahay saciid dani
    Qalad galay uu kagalay maxawayne
    Farmajo loona baahanyahay in uu
    Raali galin bixiyo dani oo
    Uu siiyo ninka aay somali
    Jacashahay waa Farmajo oo
    Nin runtii leader ah oo
    Nin aanin ah waan aqaanaa
    Farmajo 4sano ee uu wadanka haystay
    Waxaan ku baray amaano

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.