Dhageyso:Ciidamada Xooga oo Deegaano cusub Kala Wareegay Alshabaab

dhoore

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ayaa maanta la wareegay Deegaano dhaca Galbeedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka lugta General Maxamed Tahliil Biixi.

Deegaanadaan Ciidamadu la wareegeen ayaa horay waxaa u joogay khawaarijta Al Shabaab Ciidamada ayaana weerar jahooyin kala duwan leh ku qaaday Maleyshiyaadka oo isku aruursanayay deegaankaas.

Sida uu Taliyuhu xaqiijiyey dagaalkan ayaa khawaarijta waxa looga dilay 7 toddoba xubnood,sidoo kale Deegaanka Xawaali meel u jirta 35KM ayey Ciidanku weerareen iyagoo gacanta ku dhigay Baabuur kooxda Khawaarijtu ku ururin jireen Xoollaha baada ah ee ay ka qaadi jireen dadka deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.