๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐˜‚๐—ฏ๐—ป๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ผ ๐—ฎ๐—ต

xamze

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.

Raโ€™iisul Wasaaruhu markuu arkay:Qodobka 97-aad faqradiisa 3-aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98-aad faqradiisa 2-aad Xar. A iyo B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100-aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay: Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

  1. Mudane, Cabdikariim Cabdow Xaydar โ€“ Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  2. Mudane, Axmed Jaamac Cumar โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Raโ€™iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.