Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Dalka Serbia Toobabar ugu soo xiray Ciidamo

Doodisho

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Tababar dalka Serbia ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxtooyadda Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo Muddo Afar bilood ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa tiro ahaan gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil,Saraakiil xigeeno,Dabley iyo Alifley, kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga iyo ilaaladda Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isla markaana Ciidankan ay ka qeyb qaadanayaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.

Mudane Bratislav Gasić Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Tababarada Ciidanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya kuwaas si loo dhiso tayadda ilaalada gaarka ah ee madaxda Qaranka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir Taariikhi oo ku asteysan Danaha Labada Dal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.