Madaxwayne Xasan Wax haka Barto Heshiisyada 10 ah ee Kenya iyo Rwanda Kala Saxiixdeen

XASANSHEEKH
Kenya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis ka kooban 10 dhinac oo iskaashi ah si kor loogu qaado xiriirka labada Dal.
Heshiiska Isfahamka waxa uu dejin doonaa habab iskaashi wax ku ool ah oo xagga Waxbarashada, ICT, Jinsiga iyo Horumarinta Carruurta, Dhallinyarada iyo Horumarinta Awoodda Adeegga Dadweynaha.

Dhinacyada kale ee la iska kaashanayo waxaa ka mid ah Adeegyada Asluubta, Caafimaadka, Tababarka Diblomaasiyadda, Beeraha iyo Iskaashatooyinka.

Madaxwaynaha Rwanda markuu Kenya yimid waxaa la socotay Wasiiro badan iyo Taliyaasha Ciidamada dalkiisa kuwaas oo heshiiska u saxiixay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Markii uu tagay Kenya oo uu fasaxaayey Khaadka waxaa lala kulmay habeen taas oo aanan loo sameyn wax Salaad sharafeed ah, Madaxwayne xasan Ma wadan wax wasiira ah khaadkana kuma badalan heshiisyo wax u taraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed waana nasiib darada maanta ku dhacday Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.