Wasiir Fiqi ayaa Soo Dhaweeyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Xuduudka Kasoo gudbay

fiqi

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Madasha Watashiga Ciribtirka Khawaarijta oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaa shirka ka soo qeybgalay Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Xasilinta ee Madaxweynaha JFS, Wasaaradaha ku shaqada leh dib u xureynta Dalka sida Wasiiradda Wasaaradaha heer Federaal sida Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Garsoorka iyo Cadaalada iyo Wasaaradda Amniga Gudaha.

Sidoo kale waxaa ka soo Madasha qeyb ka ahaa, Wasiiradda Wasaaradaha Amniga Gudaha ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah sida Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Inta uu shirku socday ayeey madashu ka dooday ciribtirka Khawaarijta, Xasilinta deegaamada laga xureeyo Khawaarijta iyo sidii dad shacabka ah loo dhowri lahaa loona gargaari lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.