Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa la bilaabay qaybinta gargaarkii dowladda Soomaaliya ka imaaday, kaas oo keentay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA).
Raashinkaa ayaa ka koobnaa 12 nooc oo kala ah Sokor, bariis, bur, saliid, caano booro, timir, yaanyo shiid shiid, cusbo, caleen, kaluun, baasto iyo digir.
Waxaana raashinka loo qaybiyay maanta 250 qoys oo laga soo xulay 5 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha daadadka ay saameeyeen min 50 qoys xaafad walbo, qoys kaste waxaa la siiyay laba kartoon oo mid walba intaa ku jirta, kartoon walba waa 28 KG, waa raashin nadiif ah oo dhamaystiran.
Leave a Reply