Ra’iisalwasaare Xamse oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha guud 

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre yaa guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo maareeyaasha hey’addaha dowladda oo ah laf dhabarta howl-socodsiinta dowladda,

Shirka ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay xaadirinta shaqalaha dowladda iyo xaqiijinta qorshayaasha hortabinta leh sidoo kale waxa ay dhinacyadu shirka uga hadleen xasilinta dalka, iyo gaarsiinta adeegyadii bulsho degaannada laga xorreeyay khawaarihta,dardargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarijta iyo in laga fogaado waxa walba oo keeni kara musuq maasuq.

Inta uu kulanka socday ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay xoojinta guulaha laga gaaray isla Xisaabtanka oo ay ugu horreyso xaadirinta shaqaalaha dowladda ,taas oo muujineysa in horumar laga Sameeyay iyadoo la dhaqan galinayo amarkii Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo Maareeyaasha hey’addaha dowladda faray in ay abuuraan hannaan muujinayo wada shaqeynta heya’ddaha dowladda ah, taas oo Sahleyso in adeegyo tayo leh bulshada la gaarsiiyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.