Shabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Dilay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Danab

danab

Argagixisada Shabaab ayaa saaka waxaa ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud oo maalmo kahor ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Weerarka qaraxyada ayaa waxaa lala beegsaday Saldhig ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka ku leeyihiin degmada Galcad, Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay waxaana dadka dhintay ku jira Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure) oo ahaa Taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab, isagoona hoggaamiyay howlgalo ka dhacay Hiiraan iyo Galgaduud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.