Soomaalinimadii oo Tirtirantay Elemination Of Being Somali W/Q Cabdulaahi Jimcaale

Waa yaab iyo amakaak,waa ciil iyo calool xumo,waa dheygag iyo dhamana hays dilka iyo xasuuqa ka socda Laascaanood shanta maalmood ee xiriika ah oo wayeel,dhalinyaro,aqoonyahan ,rag iyo dumar iyo oday dhaqameed aan kala sooca lahayn, haddana dadka Soomaaliyeed ka aamusan yihiin,yaa afka qabtay dhalinyaradii, haweenkii Soomaaliyeed ee dhiigu dhaqaaqi jirey miyaa laga miirey, ardaydii Soomaaliyeed ee dareenka dheer lahaa yaa seexiyey, kuwii aqoonyahanada sheegan jirey aawaye, siyaasiyiintii marka ay xilraadiska yihiin dhaliisha iyo buuqa dariiqyada la taagnaan jirey xaggee ka dhaceen, isku soo wadaduub madaxweynayaashii Soomaaliya ee faraha badnaa iyo maamuladoodii faraha badnaa ee Hebel Laandhi la baxay maxaa ku dhacay, bal eega shanta maalmood ee xasuuqu ka socdo Laascaanood Xamar bay ku shirsanaayeen madaxwenayaashii Geed Laandhi oo dhan marka laga Reebo Muuse Haandaraab oo asagu ah kan xasuuqahaya Reer Laascaanood, wax hadalhayna oo dhacdadaan xanuunka badan ku saabsan ee weli socota ma ka maqasheen? Maxaa ka weyn oo ay ka hadli lahaayeen?REER BA’AYOOW YAA KU LEH?). (MAHARIN HADAL LAYSYIRAAHDAA ), todobada haandaraab waxba ka sugi mayo, todobada Geed Laandhi ee ay sameysteena waa todoba jidgooyo oo ay dhaqaale ku urursadaan, waa ma damqadayaal si ay nooga macaashaana qabiil qabiil bay isugu kaaya dirayaan oo noo sii kala fogeynayaan, baarlamaanada kala duwan oo ay leeyihiin xal ka sugi maysaan waa saylad danaha dalka lagu xaraasho, waxaan si gaara u cambaareynayaa kuwa xildhibaanada Sool iyo sanaag sheegta ee ka tirsan golayaasha puntlaand iyo federaalka, waxaan hambalyo un dirayaa siyaasiyiin tiradoodu gaaraysay 22 nin oo maanta ka hadlay xasuuqa Laascaanood, waxaanse leeyahay( WAA INTAAS OO AAD UGULA SII DAWAATAAN) Laascaano hadal kaliya kuma filna ee waxay u baahan tahay Hiil iyo hoo.

Ugu denbayn dadweynaha Soomaaliyeed ee 18ka Gobol, ururda bulshada, culumada Soomaaliyeed, aqoonyahanada iyo qurbajoogta Ameerika iyo Yurub, waa in codkooda la maqlaa, waa in banaanbaxyo laga sameeyaa gudaha iyo dibada,waana in hiil iyo hoo loo muujiyaa walaaleheen Reer Sool iyo sanaag, shacbiga Sool iyo Sanaag waxaan leeyahay (HADDAAD DHIMATO GEERIDU MAR BAY NOLASHA DHAANTAAYE, NIN DHARBAAXA CEEBEED DUGSADAY DHAQAYADEED MAAALYE, DHASHAADA BAY SUGTAA WAXAAD DHAWRATAA ABIDE). Kacdoonka ha u kala harina guul baa ka danbeyn doonta, sidoo kale dadweynaha Gobolada waqooyi, waxaan ku dhiirigelinayaa kooxda Muuse Haandaraab,iyo kuwa kale ee ah haandaraabyada Koofureed, waa wada isbaaraleey naga macaasha, yaan laysku kiin dirin oo yaan nala kala dilin, ISBAAROOYINKA IYO MAGACYADA BADAN CADAW BAA NOO SAMEEYEY OO WAA ( QAYBI OO XUKUN). (BARBARKAY KA BAXDAA WAA BAKAYLAGALEEN).

WABILAAHI TOWFIIQ Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.