Dil Wadareed ka dhacay Warsheekh iyo hadalkii xasan Sheekh oo beenoobay

Wararka aan ka Imaanaya deegaanka xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay xalay deegaankaas ku dileen dad shacab ah.

Raga hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa rasaas waxa ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen qoys ee deegaanka xaluule oo kamid ah deegaanada hoostaga Degmadda Warsheekh.
Qoyska dil wadareedka loogu geystay Tuulada Xaluule ee degmada Warsheekh waxa ay ka boonaayeen shan ruux oo lagu kala magacaabi jiray Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen, iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen raggii hubeysnaa ee dilka u geystay dadkaas.

Wararka ayaa intaas kusii darayaan in dilkaan xalay ka dhacay deegaanka xaluule uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo horey uga dhacday deegaankaas, oo ay dagaan beelo walaalo ah.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay mar uu kulan la qaatay waxgaradka mudulood in qofkii dhib gaysta sharciga la horgayn doono, taas oo u eg mid aan shaqayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.