50 Ku Dhawaad ka tirsan Alshabaab oo Lagu Dilay Shabeellaha Hoose

dagaal

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo lagu dilay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Ilaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah dagaalka Khawaarijta looga xoraynayo dalka oo dhan isla markaana garab taagan ciidanka qalabka sida ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.