Agaasimaha guud ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo safar ku tagay dalka Ethiopia ayaa kormeerey xarunta maamulka xogaha sirdoonka IMEDA loo soo gaabiyo.
Mas’uuliyiinta sirdoonka Ethiopia ayaa wefdiga Somaaliya uga waramay sida ay u shaqeyso xaruntan iyo doorka ay ku leedahay sugidda nabad geliyada wadanka.
Mahad Salaad ayaa waxuu isaguna warbixin kasiiyey sirdoonka itoobiya sida ay u shaqeyso hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, caqabadaha haysta iyo tirada Shaqaalaheeda.
Leave a Reply